Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa isku raacay in Somaliland laga sameeyo diiwaan gelin cusub oo codbixieyaasha ah ka hor doorashooyinka qorshaysan in ay dhacaan sannadka dambe.
Kulan ay shalay ku yeesheen Magaalada Hargeysa Xisbiyada Mucaaradka ah ee Kaah iyo Kulmiye, ayaa sheegay in ay Guddida Doorashooyinka u gudbiyeen mid ka mid ah saddex qorshe oo ku saabsan Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha oo ay soo jeediyeen Guddida Doorashooyinka Somaliland.
Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa saddex qorshe oo diiwaan gelinta la xidhiidha u soo bandhigay Xisbiyada kuwaas oo kala ahaa.
1. In diiwaan gelintii hore lagu galo doorashada soo socota, dadka gaadhay da’da qaangaadhka ahna la diiwaan geliyo.
2. In diiwaan gelintìi hore wixii khaladaad ah laga saaro oo la saxo diiwaan gelina la sameeyo ka balaadhan ka koowaad.
3. In diiwaan gelin cusub oo bilow ah la sameeyo.
Saddexdan qorshe oo dhinaca wakhtiga lagu samayn karo diiwaan gelinta, ayaa waxa ay ku kala duwan yihiin dhinac dhaqaalaha ku baxayo oo kala ah qorshaha koowaad oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 7 Milyan oo dollar, halka qorshaha saddexdaas lacagta ku baxaysa ay gaadhayso 15 Milyan oo dollar.
Hoggaamiyaha Xisbiga Kaah Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa sheegay in ay isku afgarteen Kaah iyo Kulmiye in la sameeyo diiwaan gelin cusub oo bilow ah, taas oo lagaga guurayo diiwaan gelintii hore ee la soo bilaabay sannadkii 2016-kii oodadka ka badan halka Milyan is diiwaan geliyeen.
Maxamed Ibrahim Qabo, waxa uu sheegay in sababta ay u doonayaan diiwaan gelinta cusub ay tahay in diiwaan gelintii hore 10 sanno ku dhawaad ka soo wareegtay oo tayadeedii aanay haboonayn wakhtigan iyo in la helo diiwaan gelin cusub oo dadku helaan.
Xisbiga Waddani iyo Xukuumaddiisa, ayaa qaba aragti ah in la sameeyo Diiwaan gelin kooban oo dadka qaan gaadhay lagu diiwaan geliyo, madaama oo aanay xukuumaddu dhaqaale badan u hayn.

















