Mowduucyadii Ugu Raadinta Badnaa Mareegta Wikipedia Ee 2023-ka oo Lagu Dhawaaqay

0
698

Hargeysa (Hargeisa Press)- Malaayiin qof oo ku nool dunida daafaheeda, ayaa habeen iyo dharaar kasta gujiya oo wax ka baadha barta xogaha lagu keydiyo ee Wikipedia, si ay u ogaadaan macluumaadka ay markaasi daneynayaan.

Haddaba, waxaa maanta lagu dhawaaqay mowduucyadii loogu raadinta badnaa sannadkan sii dhammaanaya ee 2023.

Kan booska koowaad soo galay marka laga eego waxyaabaha ay dadka dunida ka raadiyaan mareegtan ayaa ah, aaladda “ChatGPT” oo ah qeyb laga sameeyay Garaadka Macmalka ah ee AI, oo adeegsadayaasha Wikipedia u sahleysa in ay helaan jawaabo cod ah ama wada sheekeysi ah. Aaladdaan ayaa iyada oo ku hadleysa luqaddo badan oo dunida ah, dadka uga jawaabta waxa ay soo wediyaan.

Maqaallada Wikipedia ee ku saabsan ChatGPT, ayaa keydiyay ama soo qabtay in ka badan 79 milyan oo bog oo lagu daawaday luqado kala duwan, sidaasi waxaa sheegay hay’adda aan macaash doonka aheyn ee Wikimedia Foundation, taas oo maalgelisa Wikipedia.

Qof walba oo dunida ku nool ayaa xog gelin kara mareegtan xajmiga weyn ee Wikipedia, hase yeeshee waxaa si mutadawacnimo ah u turxaanbixiya, tifaf-tirayaal ku kala nool dunida daafaheeda.

Sida ay muujisay warbixin sannadkeeda Wikipedia, shanta waddan ee ugu adeegsiga badnaa xog raadinta qeybta English-ka ee Wikipedia, ayaa kala ah Mareykanka (33 bilyan oo bog ayaa laga daawaday); Ingiriiska (9 bilyan oo bog oo daawasho ah); India (8.48 bilyan oo bog); Canada (3.95 bilyan oo bog); iyo Australia (2.56 bilyan oo bog).

Marka laga eego 25-ka mowduuc ee ugu caansanaa ee ay dadka kasoo raadiyeen Wikipedia sannadkan 2023-ka, ayaa waxaa ka mid ah, dhowr filim oo Hindi ah, iyo filimka sannadkan caanka ka noqday Mareykanka ee “Barbie.”

Waxaa sidoo kale aad loo raadiyay, mowduucyada ku saabsan maalqabeenka caanka ah Elon Musk iyo Taylor Swift oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Mareykanka.

Dhanka ciyaaraha, waxaa safka hore soo galay ciyaaraha Kirkitka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here