Mihiimada Xulashada Erayada ee Wakhtiyada Khudbadaha iyo Waraysiyada

0
333

HARGEISA – Marka aad waraysi bixinayso ama aad khudbad jeedinayso masuuliyada koobaad ee ku saaran ayaa ah in aad xil weyn iska saarto erayada aad u xulanayso, waxa iyana mihiim ah nooca fariinta aad gudbinayso, cida aad doonayso fariintaadu gaadho.

Halka weriyaha warka gudbinaya ama waraysiga qaadayana ay masuuliyadiisu tahay habka uu bulshada u gaadhsiinayo, meesha uu waraysiga ka abaarayo iyo tafatirka anshaxa, anfaca iyo maslaxada guud ba ilaalinteeda
.
Haddaba xulashada erayaddu waxa ay mihiim u leeyihiin arrimahan.

1. Dhisidda Sumcadda iyo Kalsoonida
Erayada aad doorato marka aad khudbad jeedinayso ama waraysi aad bixinayso waxa ay go’aamiyaan sida dadka ku dhegeysanaya ay kuu arkaan.

Haddii aad isticmaasho erayo fudud, sharaxooga la fahmi karo iyo erayo ku habboon xaaladda ama wakhtiga, waxa ay dhisaysaan kalsoonaada iyo sumcad hoggaamineed fariintaadiina waxa u si fudud ugu gudbaysaa bulshada.

Halka erayga kaa khaldama ee aan ku habboonayn uu dhaawici karo sawirkaaga dadweynaha iyo aragtida guud ba.

2. Saameynta iyo Qancin Dadweynaha
Xulashada erayada saxda ahi waxa ay awood kuu siinaysaa inaad si toos ah u taabato dareenka iyo maskaxda bulshada.

Saameyntasi waxa ay u baahan tahay in aad fahamsan tahay xaalad walba erayada ku haboon sida ma erayo madhiirrigelin ah ayaa loo baahan yahay?

mise kuwo niyad-dhis ah, ma kuwo adag oo qalafsan aya ku haboon mise erayo dabacsan oo dajin ah!

Mar walba eraygu wakhtiga uu leeyahay waa mihiim garashadiisu haddii kale iyada oo geel loo heesayo ayaad adna gorayo u heesaysaa.

3. Ka Hortagga Jahawareerka iyo Turxaan Bixinta
Erayo si aan taxaddar lahayn loo adeegsado waxa ay sababi karaan jahawareer iyo in si khaldan loo fasirto, ama dood ay ka dhalato.

Xulashada erayada saxda ahi waxa ay ka hortagtaan qaladaadka siyaasadeed, sharci ama bulsho ee dhaawici kara wada jirka bulshada, maslaxada guud taas iyaduna wiiqaysa sumcadda qofka eraygu ka soo baxay.

4. Dhisidda Isku-xidhka Bulshada
Doorashada erayada qummani waxa ay abuuraan dareen wadajir iyo is-fahan ah.

Tusaale ahaan, markaad isticmaasho erayo ka tarjumaya qiimaha guud ee bulshada (sida caddaalad, horumar, wadajir, iyo daah-furnaan), waxa aad bulshada ku abuureysaa dareen ay qayb ka yihiin taas oo dhisaysa aragti wadajir ah iyo kalsooni leh yool iyo hiraal la wada leeyahay.

Ogow masuul mar walba erayadda kaa soo baxaa in ay yihiin masuuliyaddaada oo aad badka soo dhigtay.

Sida oo kale marka aynu diinteena eegno naf walba waxa ay qaadaysaa wixii carabkeeda ka soo baxa, Rasuulkeeni Muxumad ( CSW) wuxuu inoo sheegay in qawlka wanaagsani uu sadaqo yahay.

Waxa qoray Gudoomiyihii hore ee Hay’adda Maamul Wanaaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here