Maxkamadda sarre ee Somaliland oo loo gudbiyay dacwada Xildhibaan Maxamed Abiib

0
5192

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir-guddoonka aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay qoraal dacwad ah oo la Xidhiidha kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbiyeen Maxkamadda Sarre ee dalka.

Guddoomiyaha gollaha Wakiillada Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa warbaahinta la hadlay markii ay shirgudoonku qoraalka dacwada ah u gudbiyeen Maxkaamadda Sare, iyadoo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Mire Giire.

Guddoomiye Faratoon, ayaa sheegay in sababta qoraalka ay ugu gudbiyeen ay tahay, iyadoo golaha Wakiilladu diiday gebi ahaanba xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib 2 bishan Sebtembar, laga qabtay Madaarka Hargeysa, isla markaana  gole ahaan ay si sharci ah u diideen dalabkii xeer-laalinta qaranka ee ahaa in xasaannada laga xayuubiyo Xildhibaanka.

Faratoon, ayaa waxaa uu sheegay in maxkamadda sarre ay shirgudoon ahaan ka codsadeen in ay go’aamiso sharciyada uu Xildhibaanku ku xidhan yahay.

Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa qabatay dalabka uu shirgudoonka golaha Wakiilladu u gudbiyay ee ku aadan kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ku xidhan xabsiga Mandheera, ayaa la xidhay xilli uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku maqnaa muddo.

Xildhibaanka, ayaa hore u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshaha danaha qaranka.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay laba jeer cod ku diideen xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib iyo in xasaanadda laga qaado.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee lagu xidho Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanadii hore ee golaha Wakiillada, ayaa sanadkii 2019kii noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee ay Somaliland xidho.

Xadhiga Dhakool, ayaa waxaa diiday Maxkamadda, iyadoona xildhibaanka sideed iyo afartan maalmood kadib lagu la sii daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here