Hargeysa,(HargeisaPress) —Naciima Qorane oo ah Gabadh baraha bulshada wax ku qorta oo ay ciidamada Booliska Somaliland dhawaan xidheen ayaa maanta maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay ku riday xukun ah saddex sanno oo xadhig ah.
Naciima ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo kala ah in ay dacaayado kadhan ah Hay’addaha dawlada Somaliland faafisay iyo sidoo kale inay kacdoon lidi ku ah qaran nimada ay dal shisheeye ka samaysay, sida uu sheegay garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil.
Naciima Qorane oo mudooyinkii udambeeyay ku xidhnayd magaalada Hargaysa ayaa waxa hore uga hadlay xadhigeeda Hay’ada xuquuqul insaanka Somaliland taas oo dawlada usoo jeedisay in xoriyadeeda loo sooceliyo Naciima.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa