Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay hadda soo saartay waxay kaga hadashay warar sheegaya inuu is casilayo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire.
Iscasilaada wasiir Sacad ayaa lagu sababeeyey inuu kasoo horjeedo saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadku doonayso inay ka dhisato magaalada Berbera kaas oo ay maanta xildhibaanada labada gole waran ansixiyeen.
War-saxaafadeedkan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali shire ayaa waxa ku saxeexan Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed,waxaana ay u dhignayd sida tan.