Maxay ka wadahadleen Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Weftiga Qaramada Midoobay?

0
620

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe), ayaa maanta kulan balaadhan la qaadatay ku-xigeenka Madaxa Hay’adaha Qaramada Midoobay, ahna maamulka ugu sarreeya isku xidhka barnaamijyada horumarinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada, isla markaana ah Ku-Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mr. George Conway.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen.

Sidoo kale, kulanka waxaa ku-xigeenka Madaxa Hay’adaha Qaramada Midoobay ku wehelinayay madaxa Xafiiska UN OCHA Blaise Kabongo Mujika, Madaxa xafiiska UN-ta Somaliland Mr.Nicolai iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska UN-ta ee Somaliland.

Masuuliyiinta wasaaradda iyo wefdiga, ayaa waxaa ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah.

Waxaana ka mid ah-:

1.Sidii ay hore u ahaan jirtay in dib loo soo celiyo arrimaha bixinta lacagaha danyarta (Cash Transfers) iyadda oo xooga la saarayo in lagu saleeyo dhanka wax soo saarka beeraha, kaluunka, dhisida dhalinyaradda ee dhanka xirfadaha iwm.

2.Dardargelinta haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda.

3.Dejinta iyo fulinta dhamaan khuseeya arrimaha daryeelka bulshada sida qorshayaasha, xeerarka iyo siyaasadaha kala duwan ee Wasaaradda.

Ugu danbeyn, madaxda Wasaaradda iyo Mr. Conway waxay isla qaateen in laga wada shaqeyo dhamaan arrimaha kor-ku-xusan sidii loo dardargelin lahaa iyo loona xoojin lahaa wada shaqeynta UNTA iyo Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here