Maxay ka wadahadleen hoggaamiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID?

0
1432

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxda xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa waxaa ay maanta kulan xaasaasi ah ay ku yeesheen xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Kulankan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin ka tirsan labada xisbi.

Kulankan, ayaa sida la sheegay ay ku balansanaayeen hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Hase ahaatee, waxaa la sheegay in kulankan aanu soo xaadirin xisbiga WADDANI, isla-markaana uu ka maqnaaday, sida ay shaaciyeen hoggaamiyeyaasha labada xisbi.

Hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID oo warbaahinta la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankoodu, ayaa ka warbixiyay ujeedka kulanka iyo qodobadii ay kaga wadahadleen.

Waxaa ay hoggaamiyeyaasha labada xisbi sheegeen in ay kulankoodu ahaa mid ay kaga wadahadlayeen arrimo masiiri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here