Maxay ka wadahadleen Agaasimaha arrimaha Gudaha Somaliland iyo Saraakiisha Taiwan?

0
1761

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay Masuulin ka socdey xafiiska maalgashiga ee dalka Taiwan iyo Shirkadda ugu ballaadhan ee dhanka ilaalinta xogta amniga security-ga ee Taiwan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa masuulin ka ka socday Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa xarunta xogta (Data Center) iyo horuumarinta amniga Internet (cyber security).

Waxaa kulanka lagaga wadahadlay baahida loo qabo in la helo xarun lagu kaydiyo xogta laguna ilaaliyo amaankeeda, loona abuuri lahaa, si looga hortago wixii khatar amni ee dhanka Internet-ka iyo xogaha ah.

Xaruntan kaydka xogta, ayaa dowladda Somaliland ka caawinaysa hirgelinta barnaamijka E-Government-ga oo ah mid ay xarumaha dowladdu ku xidhiidhayaan nidaamka tiknoolajiyada.

Waxaa xusid mudan in dhawaan ay saraakiishan ka socota Taiwan ay kulan la qaateen Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, iyagoona kulankooda kaga wadahadlay sidii loo abuuri lahaa xarun lagu keydiyo xogta amniga security-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here