Maxay Guddida Doorshooyinku kala hadleen Xisbiyada iyo Ururrada?

0
1191

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashada qaranka Somaliland, ayaa  kulan la qaatay Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Siyaasada.

Waxaanay ka wadahadleen qorshe hawleedka u diyaar garowga Doorashooyinka isku sidkan iyo halka ay hadda guddida doorashooyinka hawluhu u marayaan iyo dhamaystirka dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

Kulanka, ayay Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay daneeyeyaasha doorashada u soo bandhigeen, qoraal ahaan na ugu qaybiyeen warbixin faahfaahsan oo qaybo badan.

Waxaana kulankaasi waxyaabihii lagaga wadahadlay ka mid ahaa:-

  1. Warbixin ku saabsan shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda sida:

Diyaarinta agabka iyo sanaaduuqda goobaha doorashada.

Daabacaada Buuggaagta Codbixiyeyaasha Goobaha Doorashada (FVL Books).

Warbixin ku saabsan kulamadii KDQ la yeeshay qaadhaanbixiyeyaasha iyo safarkoodii Nairobi.

Diyaarinta Sahanka Goobaha Codbixinta Doorashooyinka.

  1. Shuruucda iyo Xeernidaamiyeyaasha Doorashooyinka ee kala ah:

Xeernidaamiyaha Guddida Hawlgallinta Xisbiyada & Ururrada (Taskforce) ee KDQ.

Qabyo-qoraalka Xeerka Anshaxa & Hab-dhaqanka Xisbiyada & Ururrada ee KDQ.

Qabyo-qoraalka Xeernidaamiyaha Guddida Anshaxa, Kormeerka iyo Xallinta Khilaafaadka.

  1. Kulanka waxa kale oo hannaanka fogaan-arag ah (Video Call Conference ah) kaga soo qaybgalay Mr. Ronan oo ah Khabiirkii fuliyey Hantidhowrka iyo Baadhista Diiwaanka Codbixiyeyaasha (Biometric Voter Registration System Audit) isla markaana warbixintiisii baadhiseed halkaasi ka jeediyey. Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada ayaa iyagu na su’aallo weydiiyey khabiirka.
  1. Warbixin la xidhiidha hanaanka iyo hawlaha nidaamka Hubinta codbixiyeyaasha Booyoomitrigga ah (BVVS). Waxa kale oo ay KDQ u sheegeen daneeyayaasha in todobaadka danbe ay si wadajir ah u tijaabin doonnaan nidaamka IRIS (BVVS inhouse testing).
  1. Ugu dambayn KDQ waxay ka warbixiyeen dhaqaalaha doorashada guud ahaan, waxa ku soo-xerooday sanduuqa doorashada, iyo qorshaha dhamaystirka qaybta maqan.

Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada ayaa iyagu na dhankooda tallooyin dhaxalgal ah la wadaagay Komishanka, waxa ayna balanqaadeen in shaqada doorashooyinka ay u daba-fadhiyaan KDQ.

Labada dhinac waxay isla qaateen, in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay soo gudbiyaan xubnaha ku matelaya Guddida Hawlgallinta (Taskforce), isla markaana Komsihanku uu xoojiyo kulamada, wadatashiga iyo talowadaaga Xisbiyada/Ururrada si kor loogu qaado daahfurnaanta doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here