Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa loo magacaabay ergayga Nabadeynta ee waddanka Sudan, waxaanu hormuud ka yahay Wada-xaajoodyada nabadeed ee dhinacyada Isku haya siyaasadda dalkaas.
Maxamed Biixi Yoonis, ayaa qayb ka ah guddiga hoggaaminaysa Hawl-galka Qaramada Midoobay ku taageerayso ilaalinta nabadda xilliga kala-guurka ah ee dowladnimada dalkaas.
Waxaa uu Maxamed Biihi Yoonis ka soo dhex-muuqday wada-xaajoodyo laysku soo horfadhiisiyay dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Sudan isagoo ay wehelinayaan xubno ka mid ah safaaradaha reer Galbeedka, iyadoo kulamadani maalmihii ugu dambeeyey ka socdeen caasimadda waddanka Sudan ee Khartuum.
"العمل الجاري من أجل بناء أكبر قدر ممكن من التوافق بين أكبر عدد ممكن من القوى السياسية والأطراف المؤثرة هو عمل مهم.فليس أفضل من مبادرة سودانية خالصة تلتف حولها القوى السياسية دون تدخل لتنهي فصول هذه الأزمة التي طال أمدها" الناطق الرسمي باسم الآلية الثلاثية https://t.co/4QBf4NC4tY pic.twitter.com/uXX12C5esq
— UN Integrated Transition Assistance Mission Sudan (@UNITAMS) October 13, 2022
Maxamed Biixi Yoonis iyo Ergada kale ee Qaramada Midoobay, ayaa kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Sudan Madaxweynaha Sudan, iyaga oo sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhinacyada quwadda siyaasiga ah ee dalka Sudan isku haya si xal nabadeed looga gaadho dhammaanba khilaafyada dalkaasi ka jira.
Ergay Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hore uga soo shaqeeyey dalka Sudan iyo dalal kale oo dibadda ah isagoo ahaa ergay sare oo Qaramada Midoobay sidan oo kale ugu soo magacawday dalka Sudan gaar ahaan markii dhibaatada culusi ka taagnayd Gobolka Daarfuur iyo goobo kale.
Waxaanu ka tirsanaa xafiiska Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ka hor intii aanu dalka Somaliland ku soo laaban oo aanu ka mid noqon Golihii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Maxamed Biihi Yoonis qaybta ka yahay, ayaa lagu magacaabaa UNITAMS (United Nations Integrated Transition Assistance Mission in Sudan), kaas oo lagu aasaasay qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka sannadkii 2020, waxaanu hawl-ganka oo Qaramada Midoobay ugu talo-gashay in nidaam dowladeed oo shaqaynaysa lagu gaadhsiiyo dalka Sudan uu socon doonaa ilaa bisha June ee sannadka 2023, iyadoo tiradaba dhawr jeer la cusboonaysa qaraarka.