Muwaadin waa Mihiim in aad Yeelayo Qadiyad aan ku Dhisnayn Caadifad

0
189

Qadiyaddu waa arin muhiim ah oo saldhig u ah fikirka, dhaqanka, iyo hab-dhaqanka qofka ama bulshada. Waa mabda’ ama ujeeddo salka ku haysa xaqiiqooyin iyo qiyam ay dadku ku midoobeen oo aad ku xambaartid aragti iyo adkaysi.

qadiyaddu maaha wax sahlan waa shayga kali ah ee sheegaya jirida qofnimadaada, bulshadaada iyo muwaadinimadaadaba.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay qaddiyaddu xambaarsan tahay ama ku qotanto ayaa ah.

1. Xaqiijinta jiritaanka iyo aqoonsiga, Qadiyaddu waxay gundhig u tahay jiritaanka dad iyo bulsho. Waxay dejisaa aqoonsi iyo isir ku saleysan mabda’ iyo falsafad qoto dheer.

2. Horumarka iyo midnimada, Marka ay dadku leeyihiin qadiyad mideysan, waxay sahashaa horumarka, isku-duubnida, iyo wadajir xooggan oo ay ku wada talaabsadaan.

3. Dhiirrigelinta dadaalka , Dadka ama bulshadda leh qadiyad ay rumeysan yihiin, waxa ay diyaar u yihiin inay u halgamaan si ay u xaqiijiyaan yoolkooda iyo jiritaankooga.

4. Xal u helidda dhibaatooyinka, Qadiyaddu waxa ay keentaa aragti cad oo lagu xalliyo dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee dhexdooda ka jira taas oo ay kaga gudbaan isku duubni iyo aragti mid ah.

5. Sugnaanta hiddaha iyo dhaqanka, Qadiyaddu waxay ilaalisaa hiddaha, dhaqanka, iyo afka ummad kasta, taasoo ka dhigaysa bulshadda in aysan ka lumin asalkeeda iyo sawraceedu.

Marka la eego qadiyaddu waa lafdhabarta nolosha qof iyo bulsho. Qofka ama ummad aan lahayn qadiyad ay aaminsan yihiin waxay u nugul yihiin dib-u-dhac iyo burbur dhaqan iyo dhaqaale.

Guud ahaan waxa mihiim ah in ayna qadiyaddu ku salaysnaanin caadifad ee ay noqoto mid lagu fara adaygo.

Waxa qoray: Guddoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here