Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xidhiidhiyaha Mashruuca Kobcinta Khayraadka Dawladda ee uu maalgalinayo Baanka Aduunka ee loo soo gaabiyo SERP {Somaliland Enhancing Public Resources}, ayaa galabta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Baanka Aduunka oo ay hogaaminayso Marwo: MAY oo ah Madaxa Kooxda mashruuca SERP (The Project Task Team Leader).
Kulankan ayey Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu diiradda ku saareen waxyaabaha mudnaanta u leh ee ay doonayaan inay ku talaabsadaan sanadaha soo socda, iyada oo laga duulayo Qorshaha Shanta Sano ee Wasaaradda ee 2024-2028, Qorshe-hawleedka sanadka ee Wasaaradda iyo Qorshaha Mashruuca oo hal-ku-dhegiisu yahay Hawl-qabad iyo Horu-Socod.
Waxa intii uu kulanku socday si gaar ah la isu dultaagay muhiimada ay leedahay in hawlaha mashruucu u fullaan sidii loo qorsheeyey iyada oo awooda la saari doono meel-marinta mabaadi’da Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda iyo waliba xoojinta xidhiidh u dhexeeya Somaliland iyo Baanka Aduunka.
Waftiga ka socday Baanka Aduunka ayaa dhinacooda tilmaamay inay weelayn doonaan dhamaan mudnaanaha ay qabto Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaaluhu. Waxa qorshaysan maalmaha soo socda kulamo lagu qorfayn doono dhamaan hawlaha shaqo ee mashruuca oo ay wada yeelan doonaan saddex maalmood ee Salaasada, Arbacada iyo Khamiista hadii Rabi ogolaado, kulamadaas qaarkood waxa qayb ka noqon doona Hay’addaha Dawladda ee qaybta ka ah Mashruuca.
=Wabillaahi Tawfiiq=