Gabiley(HargeisaPress) – Sanad ku dhawaad ay talada dalka ay haysay Xukuumada Madaxweyne Dr C,raxmaan Maxamed C,laahi Cirro waxaa uu xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka jsl baadhitaano kala duwan ka sameeyey guud ahaa gobolada iyo degmooyinka jsl waxaase layaab noqotay oo ah mid soo noqnoqtay in xafiiska hantidhwrka guud baadhitaanadaa uu sameeyey ay kusoo ururto marba in shaqaale hoosaad ka mida gobolka gabiley xabsiga la dhigo iyadoo tiraba intii xukuumadu jirtay ay tahay shaqaalaha kala duwan ee xafiiska hantidhawrku gabiley kasooo xidhay ay yihiin ilaa 6 qof kuwaas oo dacwadood gaadheen ilaa heer maxkamadeed oo qaarna lagu waayey arrintii xatooyo ee loo haystay halka 1 qof oo loo haystay kiishash garow ah oo ay cuneen madaxdii hore hay’ada kaydka raashinku lagu eedeeyey inuu isagu lunsaday maxkamaduna ugu xukuntay xadhig dhan ilaa 2sano.
Sidaas oo ay tahay waxaa warbaahinta laga arkayey maalmihii ina soo dhaafay in hantidhwrku ku xidhay gabiley khasnaji ka hawlgalayey wakalaada biyaha gabiley kaas oo aan ilaa hadda cadeyn sababta ka danbeysay xadhigiisa, waxaa isna kasii horeeyey oo muddo ku xidhan magaalada hargieisa masuul ka shaqeynayey hay’ada shaqaalaha dawlada oo isna lagu eedeeynayo lacag cadadkeedu dhan yahay lix kun oo dollar balse aaney wali ku helin dambigaasi.
Talaabooyinka is xigxiga oo aanu xog ururin iyo baadhitaano dheeraad ah ku sameynay ayaa daboolka ka qaaday in uu jiro qorshe la doonayo in lagu ijaafeeyo sumcada iyo sharafka gobolka gabiley oo foodsaare looga dhigay in marba shaqaale hoosaad aan lagu hayn xatooyo cadaan ah lagu eedeeyo in gabiley musuqmaasuq ka dhacay.
Dalka Somaliland guud ahaan goboladii xafiiska hantidhawrku ka sameeyey baadhitaanada kala duwan ayaa inta badan ay jireen masuuliyiin iyo madax kala duwan oo lagu helay arrimo musuqmaasuq sida gobola salel saaxil iyo burco haddana ma jirin hal qof oo loo xidhay fal xatooyo xoolo dadweyne, hadaba waxaa is waydiintu tahay gabiley maxaa ka takooray gobolada kale dalka miyey uga nugushahay arrimahan gobolada kale mise wax iska celinta ayaaney aqoon.
Dadka arrimahan u dhuunta daloola oo aanu ka waraysanay ayaa noo xaqiijiey inuu jiro qorshe qaawan oo xukuumadu sitoosa ugula dagaalamayso gobolka gabiley iyadoo la doonayo in lagu sumcad dilo sharafka gobolka iyo bulshadiisa gabiley ayaa wax musuqmaasuqday.
Shacabka Gobolka gabiley ayaa iswaydiinaya sababta keentay in xafiiska hantidhwarka shaqadiisu ku koobnaato kaliya shaqaale hoosaad aan waxba galabsan oo marba bilo ugu jira xabsiyada iyadoo marka danbe lagu waayo wax cadeyna aaney jirin cid siisa magdhow loogu magdhaba sumcada iyo sharafka qofkaasi la daawacay ee loo haystay fal aanu galin ama galabsan.
Shaqada hantidhawrka guud ee qaranka Somaliland u xilsaaran yahay ayaa ka balaadhan shaqada lagu balamiyey ee uu sida joogtada ah uga hayo bilihii u danbeeyey gobolka gabiley oo la tuhunsan yahay in wali xukuumadu ka urinayso utumihii doorashadii ay kusoo baxday xukuumada manta talada dalka haysaa oo uu ahaa gobolka gabiley kaliya gobolkii sida hagar la’aanta ah codkooda ugu hibeeyey madaxweynihii talada dalka ka degay ee muuse biixi cabdi.
Si Kastaba ha ahaatee shacabka Gobolka gabiley oo iyagu hadda ku baraarugay Talaabooyin ayaa la filayaa in maalmaha inagu soo foolka leh ay ka hadlaan warbaahinta cadeeyaana in uu jiro qorshe la doonayo in lagu sumcad dilo sharafka gobolka gabiley iyo bulshadiisa xariirta oo la mariyo burush xaar leh kaas oo gabiley tusaale looga dhigayo gobolada kale ee dalka in meel musuqmaasuq ka dhacay tahay.
Maxamed Yuusuf Maygaag (Mayo)

















