Masiibo deegaan oo ka dhalan karta Badda Cas oo laga digey

0
1131

Sanca (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka, ayaa ka digtaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas ka dib weerar ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen markab shidaal.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ayaa u soo jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu “Cambaareeyo” weerarka Xuutiyiintu ay ku qaadeen MT Delta Sounion.

“Ficilada naxariis darada ah ee Xuutiyiintu waxay halis ku yihiin inay abuuraan masiibo deegaan oo cawaaqib xun ku leh gobolka,” ayay Linda Thomas-Greenfield ku soo qortay barteeda X.

Waxay sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalbado in si degdeg ah loogu hoggaansamo qaraarkii bishii January ee Xuutiyiinta ugu baaqaya inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta maraya Badda Cas.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran, ayaa sheegay inay beegsadeen markab watay calanka Giriiga, taasoo qayb ka ahayd ololahooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas, iyaga oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta xilli uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza.

Kooxaha gurmadka degdegga ah, ayaa ka daadgureeyay shaqaalihii markabkaas saarnaa, ka dib markii la weeraray, taasoo keentay in markabka uu dab qabsado.

Howlgalka ciidamada badda cas ee Midowga Yurub ee Aspides, ayaa sheegay in markabka uu siday 150,000 metric ton oo saliid ceydhiin ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Matthew Miller, ayaa sheegay in Xuutiyiintu “ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay burburiyaan hannaanka kalluumaysiga iyo deegaanka ee gobolka, taas oo bulshada Yemen iyo bulshooyinka kale ee gobolkuba ay ku tiirsan yihiin”

Ololaha Xuutiyiinta, ayaa hakad galiyay maraakiibtii ganacsi ee isaga kala gooshaysay badda cas iyo gacanka cadmeed, taasi oo keentay in shirkado badan oo maraakiib ah ay marakiibta u rogaan wadooyin dhaadheer oo qaali ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here