Gabiley,(HargeisaPress) –Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe JSL Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo maanta magaalada Gabilay kaga qeybgalay munaasibaddii ay xilalka kula kala wareegayeen Badhasaabka cusub iyo Badhasaabkii hore ee Gobalka Gabilay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey Badhasaabka cusub isaga oo sidoo kale sagootiyey badhasaabkii hore ee gobalka Gabilay.
“Waxa aan si aad iyo aad ah u soo dhaweynayaa Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), oo ah badhasaabka cusub ee loo soo magacaabay gobalka Gabilay oo runtii ah nin aanu aad saaxiib u nahay oo muddadii mucaaradka aan ahayna aad iskugu dhawayn”. Ayuu yidhi Xamse Khayre
Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe JSL Mudane Xamse Khayre isaga oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi: “Waxa kale oo aan isaga ma aad u sagootinayaa Badhasaabkii hore walaalkay Maxamed Jaamac Bookh oo isagu na si hagar la’aan ah oo daacadnimo leh oo karti lrh gobalka uga shaqeeyey”.
Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe JSL Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa Badhasaabkii hore ee Gobalka Gabilay Mudane Maxamed Cabdillaahi Bookh ku suntay inuu isagu lahaa guushii laga gaadhay hirgelintii Banka Wajaale isla mar ahaantaana aanay suurto gasheen isaga la’aantii.
Guddoomiyahu, wuxu sidoo kale tilmaamay inay dhibbaato jirto ay tahay in marka la doonayo in horumar la sameeyo ay kaaga baahan tahay in aad horumarkaa u gasho dagaal iyo halgan si uu u suurto galo, waxaana uu yidhi:
“Maanta wadankeena nasiib darada jirtaa waxa weeye, wanaaga laftiisu marka aad horumar samaynayso dagaal iyo halgan buu kaaga baahan yahay. Mashruuca qiimaha badan leh ee Banka Wajaale ee isku filnaanshaha cuntadu iyo ka maaranka ku tiirsanaa ta cuntada dibadda aynu ugu talo galnay Maxamed Cabdillaahi Bookh hadaanu joogin in aanu suurtogaleen baan qabaa”.
Guddoomiyahu, wuxu sidoo kale intaa ku daray: “Markaa horumarku wuxu u baahan yahay inaan ku dagaalano, wixii wanaagsana aan dadka la fadhiisano oo ka qancino na waa loo baahan yahay”.



















