Masar oo ka hadashay ujeedada Hubkii ay Muqdisho ka dejisay

0
1955

Qaahira (Hargeisa Press)- Dowladda Masar, ayaa waxaa ay ka hadashay hubkii ay ka dejisay dekedda Muqdisho, iyadoona soo bandhigtay ujeedada dhabta ah ee ay ka leedahay Hubka ay Soomaaliya keentay.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar, ayaa waxaa lagu sheegay in shixnadan hubka ah ay Masar ugu talo gashay si ay u taageerto una dhisto awoodda ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa Muqdisho gaadhay shixnad kaalmo milateri oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” Sidaa ayaa lagu yidhi bayaanka Wasaaradda arrimaha Dibedda Masar.

Tallaabadan ay Masar qaaday, ayaa waxaa waxaa si adag uga horyimd Dowladaha Somaliland iyo Itoobiya, iyagoona sheegay in Hubkaasi uu curyaaminayo xasiloonida mandaqada ee markii horeba ay dhibaatadu ka taagnayd.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in hubka ay Masar u gudbisay maamulka Muqdisho oo aan tahli karin inay si wax ku ool ah u maamusho hubka gacanta loo geliyay uu khatar weyn ku yahay xasiloonida gobolka, isla-markaana uu xaaladda uga sii dari karto.

Waxaanay Somaliland ka digtay in hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah ee ay ka mid tahay Al-shabaab iyo malleeshiyo beeleedyada, taasi oo ay sheegtay in sii murgin doonta rebshadaha iyo  xasilooni darrada gobolka.

Somaliland, ayaa waxaa ay Beesha Caalamka ugu baaqday inay qaadaan tallaabooyin lagaga hortagayo walaacyada ka dhashay hubkaas.

Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa walaac xoogan ka muujisey Hubka ay Masar gaysay Muqdisho, iyadoona sheegtay in saanadda ciidamada shisheeye ay sii xumeeyaan amaanka jilicsan, oo ay gacanta u galaan argagixisada.

Itoobiya, ayaa ugu baaqday dalalka Beesha Caalamka inay muhiim tahay in wada tashi joogto ah laga yeesho arrimaha deegaanka iyo gobolka.

Geesta kale, ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, ahaana madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan Soomaaliya u dirtay IGAD, ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta khilaafka u dhaxeeya dalalka Masar iyo Itoobiya, taasoo uu tilmaamay inay xaaladda ka sii dari karto isla-markaana ay wiiqi karto Soomaaliya oo markii hore aan caga badan ku taagneyn.

Si kastaba, arrimahan, ayaa daba socda ka dib heshiiskii is-afgaradka ee bishii January ee sanadkan ku dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, Addis Ababa. taasoo Somaliland u ogolaatay inay 20 KM oo ka mid ah xeebaheeda muddo 50 sannadood ah ka kirayso Itoobiya oo aan bad lahayn, oo doonaysa inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka sameysato dalka Somaliland oo ku yaalla Badda Cas, beddelkeedana ay Itoobiya noqoto waddankii ugu horreeyey ee aqoonsaday Somaliland.

Somaliland, oo kordhisay xiisadda gobolka Geeska Afrika iyo muranka Biyaha Webiga Niilka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

Tan iyo markii dowladda Masar oo ka cadhootay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay Soomaaliya ka seexatay heshiiska milateri oo ay sheegtay in ay ciidamo u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa sii kordhaya xiisadda gobolka.

Wakhtigaas, dowladda Masar waxay bilowday dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ku wajahan gobolka. iyadoo heshiiska ay la gashay Soomaaliya lagu ballamay in ciidamo la keeno dhanka Soomaaliya, balse arrintan ayaa saameyn ku yeelatay dowladda Itoobiya iyo sidoo kale qaar ka mid ah dalalka ugu waaweyn caalamka iyo diblomaasiyiin ka digay qorshaha dowladda Masar ay ku doonayso inay ciidamadeeda ugu soo dirto Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid khatar ku ah gobolka, kana sii daraysa xaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here