Markab iyo Shaqaale U Dhashay Thailand Oo Ku Xaniban Biyaha Somaliland

0
592

Berbera (HP): Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka Thailand u fadhiya dalka Kenya, oo isaga iyo wefti uu hogaaminayay ay booqasho ku yimaadeen Somaliland.

Weftigan uu hogaaminayay danjire Sasirit Tantukrat, iyo weftigan uu hogaaminayo ayaa Somaliland u yimid sidii uga caawin lahaayeen ciidanka Baddaha Somaliland samato-bixinta markab iyo shaqaale ay dawladda Thailand, leedahay oo ku xanniban biyaha ay wadagaan Somaliland iyo Jabuuti.

Sidoo kale weftigan ka socda Thailand, waxaa u jeedadda socdaalkooda qayb ka ah sidii ay Somaliland iyo Thailand uga wada-shaqyan lahayeen arrimaha Baddaha iyo shaqaalaha dalkaasi ee ku sugan biyaha Somaliland.

Taliyaha guud ee Ciidanka Badda Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa soo dhaweeyey weftigan ka socda Thailand ee hawlaha shaqo u yimid Somaliland.

Wayaanu taliyuhu sheegay inay Somaliland diyaar u tahay wada-shaqaynta iyo iskaashiga wadamada dunida ee dhinaca amaanka iyo tageerada Baddaha gaar ahaana shaqaalaha iyo maraakiibta waddankaasi ee ku sugan biyaha gacanka Cadmeed.

Geesta kale markabka iyo shaqaalaha saaran dawladda Thailand, ayaa im muddo ah ku xanniban biyaha ay wadagaan Somaliland iyo Jabuuti.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here