Hargeysa,(HargeisaPress)– Dawladda Mareykanka ayaa ka niyad-jabsan horumar la’aanta iyo hor-socod la’aanta ka jirta Somalia ee dhinaca Dawladnimada iyo la dagaalanka Argagixisada, oo muddo labaatan sanno ka badan ay taageerayeen Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka, balse aan weli wax natiijo ah laga gaadhin weli.
Warbixin ay qortay Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha adduunka ee sheegtay in mareykanku wado qorshe uu dib ugu eegayso siyaasaddiisii ku wajahayd Somalia, isla markaana weli aanu gaadhin go’aamo uu ka qaadanayo siyaasadda Somalia iyo nooca uu noqonayo xidhiidhka uu la yeelanayo.
Inkasta oo Trump uu si joogto ah u muujiyo in aanu xiiso u qabin joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, haddana weli ma qaadan go’aan uu ciidamadiisa kaga saarayo Somalia, kuna joojinayo taageeradiisa dhinaca Militeri ee uu siiyo Somalia.
Warbixintan International Crisis Group, waxa ay lagu xusay in Mareykanku wakhtigan taageero weyn uu siinayo madax bannaanida Somaliland, taas oo ay ku dooddeen in ay tahay arrin cusub oo saamayn ku yeelanaysa Gobolka Geeska Afrika.
Warbixin ayaa tallooyin ay soo jeedisay waxa ka mid ah in Mareykanku ka shaqeeyo in Somaliland iyo Somalia miiska wada hadalka isugu keeno.
Waxaa turjumay suxufiga ruygcadaaga ah ee Saleban Saxansaxo

















