Mareykanka oo Qorshaynaya Inuu Afrika Ugu Yabooho $55 Bilyan

0
861

Washington (Hargeisa Press) – Mareykanka, ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Mareykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

Dalka Mareykanka waxaa soo gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka aadka u ballaadhan oo dhexmaraya Mareykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan oo furmaya Salaasadan, la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midowga Afrika.

Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’addaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo marayo “in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

Shirkan oo furmaya Salaasada, ayaa diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadhin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Mareykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yidhi sarkaal u hadlay dowladda Mareykanka oo magaciisa qariyey.

Sarkaal kale oo Mareykanka, ayaa isagu sheegay in laga yaabo inay shirka ka soo baxaan go’aano iyo hindisayaal waaweyn, ka dib marka uu dhamaado saddexda maalmood ee la qorsheeyey.

Yaa ka qaybgelaya shirkan:

Afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka ee Mareykanka, ayaa u sheegay VOA in la martiqaaday illaa 50 wefti oo kala metelaya 49 dal oo ku yaalla qaaradda Afrika iyo weliba ururka Midawga Afrika, kuwaas oo xaqiijiyey ka qaybgalkooda, waxaa kala duwan heerka metelaadda ee dawladaha ka qaybgelaya shirkan.

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka looga arimiyo, ayaa sheegay inay jiraan illaa shan dal oo Afrikaan ah oo aan lagu casumin shirkan oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midawga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, ka dib markii sifo aan sharci ahayn loo bedelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay.

Sidoo kale, waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayn Mareykanka.

Wadahadalada dhinaca ciidamada

Waxaa la filayaa in shirkan lagaga hadlo, sidii Mareykanka ugala shaqayn lahaa dalalka Afrika, dhinaca caqabadaha ka haysta ammaanka, gaar ahaan gobolka Saaxil ee Woqooyiga Qaaradda Afrika iyo weliba Soomaaliya.

Kaaliye ku xigeenka dhinaca wasaaradda difaaca Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Chidi Blyden oo toddobaadkii hore la hadlay weriyayaasha ka soo warama wasaaradda difaaca, ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya inay weli tahay halista ugu weyn ee jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here