Mareykanka oo Digniin Kasoo Saaray Weeraro Argagixiso oo Ka Dhaca Soomaaliya

0
1125

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka, ayaa waxaa ay mar kale digniin ka soo saartay suurtagal-nimada weeraro argagixiso oo ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay gaysan karaan kooxda Al-Shabaab.

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay inay suuragal tahay in weeraradaasi lagu beegsado garoonka Aadan Cadde iyo dekedda Muqdisho.

Sida lagu sheegay farriintan digniinta ah, Mareykanka, ayaa sidoo kale ka digay in la tago goobaha ay isugu yimaadaan dadweynuhu iyo xarumaha dowladda.

Waxaa kale oo uu Mareykanku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah.

Siidoo kale, oo warka, ayaa lagu caddeeyay in digniintan ay tahay mid khatarteeda ay aad u sarrayso, loona baahan yahay in la sameeyo feejignaan dheeraad ah.

Dowladda Mareykanka, ayaa sidoo kale yaraysay dhaq-dhaqaaqa howlwadeenneedda ku sugan safaaradda magaalada Muqdisho, si looga taxadaro amnigooda.

Digniintan, ayaa la gaadhsiiyay level-4 oo lagu macneeyay in aan loo soo socdaali karin Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinta Mareykanka looga digay safaradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here