Washington,(HargeisaPress)— Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay sababta ay uga gaabsatay inay u coddeyso qaraarka lagu meel-marinayay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo dhawr cisho ka hor xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramaday Midoobay cod ku ansixiyeen, balse Maraykanku ka aammusay.
War-Saxaafadeed lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee howlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Mareykanku go’aansaday inuu ka fiirsado taageerada qaraarka sababo la xiriira shuruudo aan weli laga fulin Soomaaliya si loo meel mariyo qaraarka 2719.
Waxaa kale oo uu Maraykanku walaac ka muujiyay hababka cusub ee taageerada dhaqaale ee howlgalkan. “Si kastaba ha ahaatee, uma codayn karno qaraar adeegsanaya qaab cusub, iyadoon si buuxda loo tixgelin ujeeddooyinka ku aaddan miisaaniyadda la isku daray, sida ku cad Qaraarka 2719. Waa in la hubiyaa in habraacyada ugu wanaagsan ee nabad-ilaalinta.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka Maraykanka.
Maraykanku wuxuu walaac ka muujiyay in hababka la qaatay ay khatar gelin karaan kalsoonida lagu qabo qaabkan cusub ee muddada fog. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay taageeridda iyo xoojinta dedaallada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta.
Waxaa kale oo War-Saxaafadeedka lagu xusay in Maraykanku sannad walba Soomaaliya uu ku bixiyo in ka badan 1.2 Bilyan oo Doollar, isaga oo ah Qaadhaan-bixiyaha ugu weyn ee taageerada dhaqaale ku bixiya nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Caalamka.
Dowladda Maraykanka, ayaa ku adkeysatay taageeradeeda inay si hagar la’aan ah u siinayso Soomaaliya, siina wadayso iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, iyada oo ujeeddadu tahay in la xoojiyo dedaallada nabadda iyo xasilloonida guud ahaan Qaaradda Afrika.