“Madaxweyne Muuse wuxuu noqonayaa Madaxweynihii u horeeyay ee labajeer la doorto”

0
1458

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay dhisayaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ah murashax mar kale u taagan jagada Madaxweynenimo ee dalka.

Wasiirka oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu noqonayo Madaxweynihii u horeeyay ee mar labaad loo doorto hoggaaminta talada dalka Somaliland.

Wuxuu soo bandhigay waxyaabaha lagu dooranayo Madaxweyne Biixi iyo waxbadkii uu dalka ka hirgeliyay muddadii uu dalka hoggaaminayay.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayuu sheegay in lagu dooranayo wixii qarankan ay shacabku u goosteen inay ku doortaan ee ay kaga codeeyeen musharaxii wakhtigaas la tartamayay ee xisbiga Waddani.

Waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in Madaxweyne Biixi lagu dooranayo midnimada umadda iyo difaaca qarannimada, taasi buu yidhi aan ahayn ta dadka qarkood ay si sahal ah u dhigaan.

Musharaxiinta xisbiyada mucaaradka ee la tartamaya Madaxweyne Biixi, ayuu sheegay in aanay ahayn rag cusub oo yihiin ragii la tartamay doorashadii 2017-kii, ee uu ka guulaystay.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa ka hadlay doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo asxaabta qaranka ee la qorsheeyay inay dalka Somaliland ka qabsoomaan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Wuxuu si qoto dheer uga waramay doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalka Somaliland, tan iyo 2002-dii ilaa sanadkan maanta ee 2024 iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Somaliland, ayuu sheegay inay xiliyadaas oo dhan ay soo maraysay heerar iyo marxalado kala duwan oo ay ku xaqiijinayso qaranimadeeda taabagalka noqotay.

Wuxuu tilmaamay in wakhtigii ay Somaliland bilowday qabashada doorashooyinka qofka iyo codka ah, ay cod shacab isku bedeleen Madaxweynayaal, goleyaal qaran, sida Wakiillada, Guurtida iyo Deegaanka.

Somaliland ayuu sheegay in ilaa iyo wakhtigaas ay dunidu ku majeeraneysay inay heer wanaagsan ka gaadhay nidaamka dimuqraadiyadda oo ay shacabkoodu ku midaysan yihiin.

Wasiirka, ayaa ugu dambayntii baaq u jeediyay shacabka Somaliland, isagoona ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyada uu dalku ku tisqaaday.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here