Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Magaaladda Hargeysa ka daah-furay Shirka Qaran ee isku-dubbaridka Arrimaha Gargaarka Bini’aadantinimadda iyo sidii looga tashan lahaa waxa laga yeelayo Hoos-u-dhaca ku yimid Deeqaha ay Hay’adduhu siiyaan Qaxooniga iyo Barakacayasha ku sugan Somaliland.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada Somaliland, ayaa waxaa ka soo qayb galay, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Madaxda Wasaaradda Dibu-dajinta, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Xildhibaanno, Hay’addaha Sama-falka ee dalka iyo kuwa Caalamiga ah, xildhibaanno iyo aqoonyahan.
Shirkan, ayaa ahaa mid lagu gorfeynaayay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku dubbaridka hawlaha sama-falka dalkeena, iyada oo la tix-gelinaayo baahiyaha deg-dega ah ee bulshada.
Waxaana sidoo kale shirka lagaga hadlay arrrimaha Barakacayaasha iyo Qaxoontiga kale duwan ee dalka ku sugan.
Ugu horeyn waxaa ujeedka shirka sharaaxad guud ka bixiyay, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mukhtaar Cabdi Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Xaliimo Cilmi oo ku hadlaysay Afka Hay’addaha.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub iyo Maxmed Jaamac Koodbuur oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanay Wasaaradda ku bogaadiyeen inay shirkan qabato wakhtigii ku haboonaa.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada, Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, waxaana uu hoosta ka xaqiiqey najiitada ay doonayaan inay shirkan ka soo baxaaan.
Gabo-gaabadii, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadal ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in ay ka Xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay gacan ka siiyaan, Muxsiniinta iyo Hay’addaha Sama-falka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba, si loo gaadhsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada, gaar ahaana meelaha ay ka jiraan abaaraha, colaadaha, iyo dhibaatooyinka kale ee bini’aadantinimo.
Waxaa uu Madaxweyne ku xigeenku hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la helo Qorsheyaal Qaran oo lagu taageerayo dadka nugul, iyada oo la dhiirrigelinayo wadda shaqeynta dhex marta Dawladda, Hay’adaha Sama-falka, iyo bulshada rayidka ah.
“Qasab ayay inagu tahay in aanu ka shaqeyno arrimaha gargaarka bila’aadamnimada, haddii ay tahay shacab iyo dawladba, waa in aanu ogaano dariskeena, Qaxoontigeena iyo dadka kasta oo dhiban ba. Arrintan yaynaan u arkin in aan markaanu doono qaban karno markaanu doonana ka seexan. arrintaasi waxay si gaar ah u saaran tahay qof kasta oo xil haya.” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi.