Madaxweyne Cirro: “Somaliland waxay Dalalka Dariska iyo Caalamka kula dhaqmeysaa is-tixgelin”

0
1519

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu fariin culus oo dareen xambaarsan uu u diray dhamaan shacabka Somaliland ee ku sugan dalka iyo weliba kuwa ku sugan dalka dibediisa.

Madaxweynaha Somaliland oo munaasibada sannadka cusub awgii, war soo saaray, ayaa wuxuu sannadka cusub ee 2025-ka uu hambalyo u dirtay, dhammaan shacabka reer Somaliland, gudaha iyo dibada-ba, Shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dawliga ah, Ciidamada kala duwan ee qaranka, xaasaskooda iyo caruurtoodaba.

Intaasi kadib, Madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in Daruufaha adag ee xag amni, xag dhaqaale iyo xaga bulsho-ba lagaga gudbi karo wadajir iyo iyadoo gacamaha la is qabsado, isla-markaana lagu gaadhi karo guul.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay ee ay saldhiga u tahay WADAJIR iyo WAXQABAD ay si buuxda ugu adeegayso shacabka Somaliland ee kalsoonida ku soo doortay.

Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa xusay in shacabku la xisaabtami karo, toosin karo, isla-markaana ku dhaliili karo wixii qalooc ugu muuqda, taas oo uu sheegay in anaan ka qaadi doonin cunfi, colaad, caga jugleyn, iyo xifaaltan siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland, sidii caadada u aheyd ay Dalalka Dariska iyo Bulshada Caalamka kula dhaqmayso is-tixgalin, is-kaashi iyo wada noolasho ay nabadi saldhig u tahay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Ilaahay ayaa keligii Mahad Leh.

Walaalayaal, Shacabkayga reer Somaliland.

Munaasibadda sannadka cusub ee 2025-ka awgeed, waxa aan halkan hanbalyo, duco iyo dardaaran-ba ugu soo gudbinayaa dhammaan shacabka reer Somaliland, gudaha iyo dibada-ba, Shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dawliga ah, Ciidamada kala duwan ee Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtoodaba.

Waxa aan idiin leeyahay Ilaahay ha inooga dhigo sannadka 2025 mid inoo sida  barwaaqo , horumar iyo guulo waaweyn oo uu gaadho Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Walaalayaal, Ummaddeyda Somaliland.

Daruufaha adag ee ina hor yaalla xag amni, xag dhaqaale iyo xaga bulsho-ba waxa aynu kaga gudbi karnaa wadajir iyo innaga oo gacamaha is qabsanna. Taasi ayaynu ku gaadhi karnaa guul, cadowgeenana kaga lib keeni karnaa.

Walaalayaal, Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxaa saldhig u ah WADAJIR iyo WAXQABAD iyo in aanu si buuxda ugu adeegno shacabka Somaliland ee kalsoonida nagu soo doortay, dhegahayga iyo qalbiyadayduba way idiin furan yahiin.

Waad nala xisaabtami kartaan na toosin kartaan, nagu dhaliili kartaan wixii qalooc idinku muuqda, taas oo anaan  idinku qaadi doonin cunfi, colaad, caga jugleyn, iyo xifaaltan siyaasadeed midna.

Walaalayaal, waxa aan idinku bogaadinayaa dedaalkiinna iyo doorka aad ku leedihiin dhismaha Qaranka, horumarka bulshada iyo ilaalinta nabadda. Waxa aan idinku dhiiri gelinayaa in aad kor u qaaddaan midnimada dhexdiina kuna tartantaan iskaashi iyo hormar , isla markaana aad ilaashataan jiritaanka Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamhuuriyada Somaliland, sidii caadada u aheyd waxa ay Dalalka Dariska iyo Bulshada Caalamka kula dhaqmaysaa is-tixgalin, is-kaashi iyo wada noolasho ay nabadi saldhig u tahay.

Ugu danbeyntii, bulshadeyda reer Somaliland waxaan kula dar-daaramayaa munaasibadda sannadka cusub awgeed in aad ilaalisaan amniga, isla markaana aad dhawrtaan akhlaaqiyaadka suuban ee diinteenu ina fareyso.

Somaliland ha guuleysato, Somaliland ha noolaato.

Wabillaahi tawfiiq,

Wasallaamu caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here