Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo dalka ku soo laabtey maanta gelinkii dambe, ayaa hoosta ka xarriiqay in safarkii Nairobi ee ay martida ugu ahaayeen Madaxweynaha dalka Kenya, laga soo hooyey guul weyn oo Taariikhi ah, taas oo kor u qaadday meeqaamkii Somaliland, isla markaana ay heleen saaxad ay dunida inteeda kale ugu soo bandhigaan horumarka, Dawladnimada iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaadday Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in dhammaan kulamadii uu la yeeshay madaxda dalka Kenya ay ahaayeen kuwo guul kusoo dhammaaday, islamarkaana in kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, uu ahaa mid midho-dhal ah, iyadoo ay isku afgarteen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.
Waxaa uu sheegay in kulankii uu la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka uu ka mid ahaa kulamadii ugu guulaha badnaa intii uu joogay Nairobi, isaga oo xusay in Beesha Caalamku ay Somaliland ku boggaadisay nabadeynta ay ka samaysay gobolladii ay colaaduhu ka dhaceen.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dunidu ay Somaliland u soo jeedsanayso haddii ay nabadda ilaaliso, isla-markaana ay shacabkeedu muujiyaan midnimo iyo isku duubni.
Madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xooga saarayso xoojinta xidhiidhka ay la leedahay waddamada gobolka ee muhiimka u ah Somaliland, isaga oo xusay in kadib safaradii uu ku tegay Jabuuti iyo Kenya, uu safarkiisa saddexaad dhowaan ku tagi doono Itoobiya.
Ugu dambayn, waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay shacabka Somaliland ee doortay, isagoo sheegay in marka uu dhammaado muddo-xileedkiisu aan saacad dheeraad ah loogu dari doonin, isla markaana uu doorashada ku qaban doono wakhtigeeda.