Nairobi,(HargeisaPress)– Siyaasiga Caanka ah Mudane Raila Amolo Odinga, ahaana Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, ayaa hoyga uu ka deggen yahay Nairobi kulan sharafeed sagootin ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi.
Waxa xusid mudan in Mudane Raila Odinga uu muddo dheer ahaa saaxiib dhaw iyo taageere mayal-adag oo ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay.
Intii uu socday kulanka ayaa labada hoggaamiye waxa ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Kenya, iyo sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen xagga dhaqaalaha, isku socodka, aqoonta iyo arrimaha isteraatejiga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh ugu mahad naqay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee uu Mudane Raila Odinga la leeyahay dadka iyo dalka Somaliland iyo taageeradiisa mabda’a ku dhisan ee uu muddada dheer la garab taagan yahay rabitaanka ummadda Somaliland iyo fahamka uu u leeyahay mawqifka gaarka ah ee Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Mudane Raila Odinga u xaqiijiyey in ay Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay adkaynta amniga iyo xasilloonida, iskaashiga iyo is-dhexgalka nabadeed ee Gobolka Geeska Afrika.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝