Madaxweyne Cirro oo kullamo la yeeshay Golaha Wasiirrada Dawladda Qatar

0
1461

Doha (Hargeisa Press)- Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maalintii 4-aad safar shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyey kulamo  kala duwan oo muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Dawladda Qatar, Maamulka sare ee Hayโ€™adda Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund) iyo Hayโ€™adda Qatar Al-Khayriya (Qatar Charity).

Kulammaduna waxa ay u dhaceen sidan soo socota:

๐Ÿ. ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ-๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ญ๐š๐ซ:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay kulan diblumaasiyadeed la yeesheen Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, Mudane Dr. Maxammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi.

Labada dhinac, waxa ay ka wadahadleen arrimo muhiim u ah labada dal, oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal, horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay si cad hoosta uga xarriiqeen in Jamhuuriyadda Somaliland aanay haba yaraatee ka tirsanayn Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse ay tahay dal ka madax bannaan oo iskeed isu xukumayey 34-kii sano ee ugu dambeeyey.

Kulankan, ayaa waxa uu ka tarjumayey waaqiciga xagga diblumaasiyadda ah iyo xidhiidhka togan ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.

๐Ÿ. ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ญ๐š๐ซ:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan wax-ku-ool-ah la yeesheen Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Dawladda Qatar, Mudane Dr. Axmed Maxammed Al-,Sayed.

Wadahadalka, ayaa waxa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeya labada dhinac iyo weliba soo jiidashada Maalgashiga Qatar, gaar ahaan xagga Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha, Batroolka iyo Macdanta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta.

Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Qatar u iftiimiyeen xaaladaha ganacsi ee fur-furan ee ka jira Somaliland kuwaasi oo la isku hallayn karo, goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo (Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed) oo halbowle u ah isku-xidhka ganacsiga caalamka.

๐Ÿ‘. ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan midho-dhal ah la yeesheen maamulka sare ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund-QDF).

Labada dhinac, waxa ay ka wadahadleen taageerada uu Sanduuqa Horumarinta Qatar uu ka gaysan karo horumarinta Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, daryeelka caafimaadka, kaabayaasha biyaha, iyo xoojinta shaqo abuurka iyo kobcinta farsamada gacanta ee dhalinyarada Somaliland.

Weftigu waxa ay iftiimiyeen sida ay Somaliland uga goโ€™an tahay iskaashi horumarineed oo hufan, waxa aanay soo dhaweeyeen iskaashi mustaqbalka dhex mara labada dhinac kaasi oo ku wajahan horumarinta hab-nololeedka bulshada iyo horumarinta kobac waara oo aayatiin wacan u leh labada dal.

๐Ÿ’. ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ ๐€๐‹-๐Š๐ก๐š๐ฒ๐ซ๐ข๐ฒ๐š:

Sida oo kale, weftigii Somaliland ee ku sugnaa Qatar waxa kale oo ay kulan muhiim ah la yeesheen masuulka ugu sarreeya Hayโ€™adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity), Mudane Yuusuf Ibn Ahmed Alkawaary. Weftigu waxa ay Hayโ€™adda Qatar Al-Khayriya uga mahad naqeen mashaariicda horumarineed iyo kuwa baniaadannimo ee ay Hayโ€™addu ka fuliso Somaliland.

Dhammaan arrimihii labada dhinac ay ka wadahadleen si weyn baa la isugu af gartay. Hayโ€™adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity) waxa ay dhinacooda ballan qaateen in ay sii labanlaabi doonaan hawlaha gargaarka biniโ€™aadannimo iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here