Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland, oo ku soo beegantay Xuska Maalinta Carruurta Afrika oo la xuso 16-ka bisha June sannad walba.
Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland oo ah kii ugu horreeyey ee Somaliland lagu qabto, waxa si aad u qiimo badan u soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Qaranka Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada shaqaynta la leh Wasaaradda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaa ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Somaliland ay tahay maalin loo asteeyey is xasuusinta muhimadda uu ubadku inoo leeyahay iyo xilka culus ee dhammaan bulshada Somaliland ka saaran ilaalinta xuquuqda carruurta iyo sharaftooda, isla markaana aynu maal-gashano mustaqbalkooda.
“Waa masuuliyad diini ah, waa waajib sharci ah, waana xil waddaniyadeed oo qof kasta saaran.”
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, in aanay suurto gal ahayn in Qarankeenu uu sameeyo horumar, haddii aynaan xoogga saarin daryeelka iyo wanaagga carruurteena. In aynaan Caddaalad ka hadli karin haddii carruurteenu aanay haysan xuquuqihii aasaasiga oo ay ugu horreeyaan Waxbarashada iyo Caafimaadku.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nafaqada ay yihiin Tiirarka Koritaanka ubadkeenna, si ay u gutaan waajibaadka Qarannimo ee Mustaqbalka.
“Carruurta Somaliland waxa aan ugu bishaaraynayaa in ay udub dhexaad u yihiin Qarankooda, in Codkooda la maqlayo, in laga caawinayo gudashada waajibaadkooda, iyo sidii ay riyooyinkooda u rumayn lahaayeen.” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.