Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Dalka Itoobiya

0
400

Jig-jiga (HP): Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cagjar, ayaa ka hadlay xaaladaha dagaalka ka socda woqooyiga dalka Itoobiya oo imika ku sii fidaya deegaamadda kale ee dalkaasi.

Waxaanu sheegay madaxweyne Cagjar, in aanay jirin wax saamaynta ah oo uu dagaalkaasi ku yeeshay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Inkastoo ay jirto saamayn dhaqaale iyo mid nololeed oo uu dagaalkaasi keenay.

Dagaalka ka socda Itoobiya ee u dhexeeya jabhadda TPLF iyo dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa loo arkaa inay ka danbeeyaan quwado shisheeye oo ku hardamaya kala riixashadda danahoodda ee Geeska Afrika.

Arrintaasi ayuu qiray madaxweyne DDS Itoobiya in ay xaqiiqo tahay, isla markaana uu yahay dagaal ka balaadhan mid ka dhashay gudaha Itoobiya, balse cidii quwadahaasi shisheeye ay gacan siinayaan ay yihiin mucaaradka.

Mustafe Cagjar, oo waraysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA, waxa uu waraysigaasi kaga hadlay arrimo la xidhiidha dagaalka ka socda Itoobiya, xaaladaha amni iyo abaarraha ka taagan deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo arrimo kale.

Mar uu ka hadlayay xaaladda amniga DDS Itoobiya wuxuu sheegay in amniga deegaanku uu 100% sugan yahay, taasina ay keentay iyadoo xukuumadu xooga saartay in ay ka jawaabto baahiyaha bulshadda

Waxa kaloo uu waraysigaasi kaga hadlay Cagjar, afkaaraha is diiwan ee  ka dhex jira bulshadda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo qaarna taageersan yihiin TPLF qaar kalena ay ka soo hor jeedaan.

Geesta kale Mustafe Cagjar, oo wax laga waydiiyay abaarro ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuu sheegay in biyo dhaamis iyo in calafka xoolaha deegaamadaasi la geeyo waa lagu dedaalay.

 

Halkan Ka Dhegayso Waraysigaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here