Madaxweyne Biixi: “Somaliland dib u ogolaanmeyso in Xamar looga taliyo..”

0
2352

Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay shacabka magaalada Boorama, isagoona ka hadlay arrimo xaasaasi ah.

Waxaanu kaga hadlay xaaladdaha dalka iyo gobolka Geeska Afrika, gardarada Soomaaliya, dhaqaaqyadda Masar iyo xiisada magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in buuqa maanta jira ee ay Xamar wado ee ay Masar ugu yeedhatay aanay ahayn wax suurto galaya.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in aanay Somaliland habayaraatee dib u ogolaan doonin in Xamar looga talliyo.

Dhallinyarada magaalada Boorama, ayuu ugu baaqay in ay aqoonta u gudbiyaan magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here