Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu xilkii ka qaaday Maareeyihii guud ee Madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim.
Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu Maareeyihii Madbacadda qaranka xilkaga kaga qaaday wareegto madaxweyne oo uu maanta soo saaray.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxaanay u dhignaayeen sidan:-
Wareegto Madaxweyne 09.08.2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Maxamuud Raage Ibraahim
Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.