Madaxweyne Biixi oo xilka ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Awdal

0
1339
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxaa uu xilka ka qaaday Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Awdal Muumin Muuse Ducaale.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Madaxweynuhu oo ka soo baxday madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu wareegto xilka kaga qaaday Guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal.

Wareegtada Madaxweynaha, ayaa u dhignayd sidan:-

“Wareegtooyin Madaxweyne 17.07.2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal, Kuna magacaabay masuul cusub.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Muumin Muuse Ducaale;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Cali Cabdillaahi Dhimbiil laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here