“Madaxweynaha waxaan u sheegayaa bulshadda Awdal 13-ka xubnood uf ayay yidhaahdeen”…

0
883

Boorama (Hargeisa Press.com): Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in aanay marnaba bulshadda gobolka Awdal aqbalaynin in ay doorashadda golaha Wakiiladda  galaan haddii aan wax laga bedelin nidaamkii hore.

Iyadoo bulshadda gobolka Awdal ay si weyn uga cabanayeen, isla markaana ay sheegeen in aanay ogolaan doonin tiradii hore ee ahayd 13-ka xildhibaan laga siiyo gobolkoodda.

Arrintaasi oo ahayd mawduuca ay maalmahan bulshadda Somaliland badankoodu aadka u hadal hayeen ee saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda Somaliland.

 

Prof. Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec, oo maanta warbaahinta kula hadlay Boorama waxa uu sheegay in uu ku raacsan yahay dadka reer Awdal, isla markaana reer Awdal ay uf yidhaahdeen 13-ka xubnood ee looga qoondeeyay golaha Wakiiladda.

Halkan Ka Daawo Prof. Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here