Burco (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay oo ku sugan magaalo madaxda Gobolka Togdheer, ayaa maanta kormeer, xadhig-kajar iyo dhagax-dhig ku sameeyey qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey magaalada burco.
Madaxweynaha, ayaa ugu horayn xarunta Wakaaladda Biyaha Burco warbixin kaga dhegaystay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Sakariye Maxamed Ismaaciil (Lumumbe) isagoo xusay waxqabadka ballaadhan ee wakaaladu samaysay muddooyinkii u danbeeyey.
Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa dhagax dhiagay saddex ceel-biyood oo cusub iyo kaydka Biyaha magaalada Burco, waxaana uu madaxweynuhu wakaaladda biyaha iyo wasaaradda horumarinta kheyraadka biyaha ku boggaadiyay shaqada baaxada leh ee ay qaranka iyo shacbiga u hayaan.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee loo bineeyey wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ee gobolka togdheer isagoo madaxweynuhu kormeeray xafiisyada cusub.
Dhica kale, Madaxweyne Biixi Cabdi, ayaa booqday dhakhtarka weyn ee Burco halkaasi oo ku soo eegay bukaanada jiifa cusbitaalka isaga oo Alle uga baryey inuu caafiyo kana kiciyo xanuunada.
Ugu danbayntiina Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta 2aad ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku leeyahay magaalada Burco isagoo madaxweynuhuna xadhiga ka jaray xafiiskaasi.
Waxaana uu madaxweynuhu u mahadceliyay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer dedaalka weyn ee ay sameeyeen.
Hoos ka daawo muuqaalka