Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahad celiyay Ismaaciil Axmed, oo ah aasaasaha shirkadda xawaaladda casriga ah ee World Remit qalab lagaga gaashaamanayo caabuqa Covid-19 oo uu dawladda ku caawiyay.
Aasaasaha shirkadda xawaaladda lacagaha casriga ah ee World Remit Ismaaciil Axmed, ayaa agab caafimaad oo kala duwan oo ay ka mid yihiin 1,400,000 oo xabadood oo qalabka Afka iyo Sanka lagu xidho ah (face mask) iyo Golofisyadda Gacmaha la gashado ah ugu deeqay Somaliland.
Sidoo kale ka sekow qalabka caafimaadka lagu daryeelo ee uu dawladda ku caawiyay waxa kaloo uu suuqyadda Hargaysa keenay qaybo kaloo qalabkaas ka mid ah oo uu qiime aad u jaban kaga iibinayo bulsadda.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda oo uu kaga hadlay xaaladan cusub ee dalku galay ee ka dhalatay xanuunka Corona Virus iyo arrimo kale.
Waxaanu uga mahad celiyay muwaadinkaasi agabka caafimaad ee uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu deeqay mulkiilaha shirkadda World Remit.
“Shirkadda la yidhaahdo World Remit ninka mulkiilaha ka ah, ee Ismaaciil Axmed, hadda wuxuu keenay qalab gaadhaya Malyuun, oo uu dawladda ugu deeqay.
Iyo intaa labadeed oo uu keenay suuqa, oo uu leeyahay dadka waxaan kaga iibinayaa, qiimaha intii halkii aniga la iga soo siiyay, intii uu China ka joogay.
Si qof waliba Marrada (face mask) afka iyo sanka lagu xidho iyo Gacmo gashi (gloves) u hello” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.