Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyey in Go’aankii Shirkadaha Isgaadhsiinta ee kacdoonka abuuray la hakiyey

0
1474

Hargeysa (Hargeisapress) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in kulan ay la yeesheen Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta ka dib ay isla garteen in la hakiyo go’aanka qiimaha adeegyadooda ay sida isku midka ah ugu kordhiyeen oo abuuray kacdoon shacabku kaga soo horjeedo.

Kulan galabta illaa caawa ka socday Madaxtooyada oo labada dhinac u dhexeeyay, ka dib ayuu Madaxweyne Cirro qoraal soo dhigay Bayjkiisa, waxaanu ku yidhi qoraalkiisa sidatan:-

“Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.

Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.“

Geesta kale, qoraallo ay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom, Somtel iyo Solteco soo dhigeen bayjkooda, ayey ku sheegeen inay aqbaleen codsiga shacabka oo ay adeegyadooda internetka iyo ku hadalka taleefanka dib ugu soo celiyeen qiimihii uu ahaa ka hor Jimcihii oo ay fuliyeen heshiis ay saddexda Shirkadood wadagaleen.

Go’aankan, ayaa yimi ka dib markii shalay illaa maanta ay Shacabka Somalialnd diidmo qeexan ka muujiyeen go’aanka shirkaduhu ugu heshiiyeen Shacabka, qiimaha adeegyadoodana ku kordhiyeen, iyaga oo muddaharaadyo qaarkood khasaare sababeen xalay iyo shalay ka dhaceen Burco, Hargeysa, Boorama iyo meelo kale, halka Axadda Berrina Bulshadu u ballan-sanayd bannaanbaxyo nabadeed oo ay ku muujinayaan diidmadooda heshiiska Shirkadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here