Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddida heer qaran ee gurmadka Abaaraha

0
1642

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu maanta magacaabay Guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya xaaladda abaareed ee ka jirta guud ahaan dalka.

Dhibaatada Abbaarraha ee Somaliland, ayaa waxaa ay saamayn weyn ku yeesheen nollosha dadka reer miyiga ah, Xoollaha, Biyaha iyo baadkaba, gaar ahaan Gobollada ku teedsan Gubanka, min Galbeed ilaa Bari.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa 15 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne kuxigenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi u magacaabay gurmadka abaaraha ka jira deegaanada dalka.

Xubnahan uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay gurmadka abaaraha, ayaa waxaa ku jira xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan iyo qaar ka mid ah Culimada dalka.

Hoos ka akhriso 15 xubnood

1: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Guddoomiye.

2: Wasiirka Qorshaynta xubin.

3: Wasiirka Beeraha xubin.

4: Wasiirka Biyaha Xubin.

5; Wasiirka Caafimaadka Xubin.

6; Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xubin.

7; Wasiirka Deegaanka Xubin.

8: Wasiirka Diinta iyo Awqafta Xubin.

9: Wasiirka Ciyaaraha xubin.

10: Guddoomiyaha Haayadda Afooyinka Xoghayaha Guddida.

11: Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Xubin.

12: Afhayeenka Madaxtooyada Xubin.

13: Sheekh Maxamed Cali Geeddi Xubin.

14: Sheekh Siciid Maxamed Faarax Xubin.

15: Sheekh Maxamed Cali Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here