Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Qatar

0
1549

Doha (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan heer sare ah la qaatay Raysal Wasaaraha dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, H.E. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Bin Jasim Al-Thani.

Kulankan, ayaa lagaga wadahadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Qatar.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wadahadleen Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskeed isku maamulaysay, oo aan ka mid ahayn sooyaalkii lagu dhisayna qayb ka ahayn Maamulka Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu carabka ku adkeeyay maqaamkeeda taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland inay gebi ahaanba ka duwan tahay  ta Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Somaliland uga go’an tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helida mushkiladaha Geeska Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here