Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Dadka maqalka naafada ka ah

0
569

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan gaar ah kula qaatay  qaar kamid ah bulshada maqalka naafada ka ah ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayeen masuuliyiinta Ururka Dhegoolayaasha Somaliland ee loo soo gaabiyo (SODA).

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada, horumarinta Caafimaadka iyo Qoyska iyo arrimaha Bulshada, ayey dhallinyarada maqalka naafada ka ahi madaxweynaha ku siiyeen warbixin la xidhiidha duruufaha noloshooda ku xeeran, meelaha ay u baahan yihiin in bulsho ahaan laga taageero iyo waxyaabaha ay xukuumadda ka codsanayaan inay u qabato.

Xubno kala duwan oo ku hadlay Afka ururka ay ku bahoobeen dadka maqalka naafada ah ee Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Ururka SODA, mudane Xasan Haybe Colujoog, agaasimaha Ururka Mustafe Maxamed Cismaan, Madaxa Ciyaaraha Naasir Cabdi Aadan, Hibo Maxamed Daahir, Naciima Mahdi Cabdi Maal, Hana Cali Jirde, iyo  Cabdirisaaq Cabdilaahi Axmed oo madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga mahadnaqay qaabilaadda iyo daryeelka gaar ahaaneed ee ay u fidiyaan bulshada maqalkoodu xadiddan yahay, waxana ay codsadeen in la xoojiyo waxbarashadooda, shaqo abuurna loo sameeyo.

Wasiirrada wasaaradaha, Waxbarashada iyo Sayniska Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska, Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay inuu qaabilay bulshada maqalkoodu xadiddan yahay, waxana ay sheegeen inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin wax la qabashadan bulshadan oo qorsheyaasha xukuumadda qayb weyn ka yihiin.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhallinyarada maqalka naafada ka ah ugaga mahad celiyey inay ajiibeen marti-qaadkii uu u fidiyey.

Waxana uu caddeeyey inay ka xukuumad ahaan u heellan yihiin inay si weyn u taageeraan bulshadan maqalkoodu xadiddan yahay, una sameeyaan wax kasta oo suurtogelinaya inay noloshoodu horumar samayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here