Madaxweynaha Somaliland oo kormeeray dekedda Berbera

0
1414

Berbera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa maanta kormeeray marsada caalamiga ah ee dekedda Berbera.

Madaxweynaha, ayaa u kuur galay shaqada baaxada leh ee ka socota dekedda Berbera, isagoona mid mid u galay qaybaha kala duwan ee dekedda.

Waxaanu sidoo kale Madaxweynuhu indho indheeyay adeegyadda kala duwan ee dekedda Berbera bixiso.

Maareeyaha dekeddaha Berbera Siciid Xasan, ayaa Madaxweynaha tafaasiil dheeraad ah ka siiyay adeegyada iyo shaqada dekedda iyo horumarka ballaadhan ee ay dekeddu ku tallaabsatay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadnaqay maamulka iyo shaqaalaha dekedda Berbera ee horumarka gaadhsiiyay dekedda, ee qaranka guusha u soo hooyay.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here