Burco,(HargeisaPress)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay Aagga Warshadaha ee Gobolka Togdheer, kaasi oo loo qorsheeyay in uu noqdo xarun muhiim ah oo kobcisa dhaqaalaha dalka, soo jiidashada Maalgashiga, shaqo-abuurka iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha dalka.
Madaxweynaha ayaa ku is dul taagay in Aagga Warshaduhu uu horseedi doono maalgelin ballaadhan, fursado shaqo oo cusub, iyo in la yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in mashruucani qayb weyn ka qaadan doono horumarinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsiga ee muwaadiniinta JSL.
Shacabka iyo maamulka Gobolka Togdheer ayaa si weyn u soo dhaweeyay Dhagax-dhigga, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo istaraatiiji ah oo Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku xoojinayso Dhaqaalaha Qaranka isla markaana ay kor ugu qaadayso fursadaha shaqo ee bulshada.




















