Madaxweynaha Somaliland oo caddeeyey in saxeexa heshiiskii Itoobiya dhawaan dhici doono

0
2628

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu si gaar ah uga hadlay heshiiskii is af-garad ee ay dhawaan wada gaadheen dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu sheegay in heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu marayo in labada dhinacba ay ka go’an tahay oo la saxeexo.

Waxaa uu caddeeyey in saxeexa heshiiska is-fahan uu dhawaan dhici doono, dibna aan looga laaban doonin.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ku soo foolka leh iyo sida xukuumadda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay in dalka laga qabto doorashooyin hufan oo shuruucda ku qotoma.

Madaxwaynaha, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta xoriyadda Somaliland ee 26 June oo lagu qabtay madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here