Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo lagu soo dhaweeyey Boorama

0
1300

Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hogaaminayay oo saaka safar shaqo ugu baxay gobolada Galbeedka dalka, ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaal iyo masuuliyiin kale.

Waxaa Madaxweynaha iyo weftigiisa magaalada Boorama ku soo dhaweeyay maamulka iyo masiixiyiinta gobolka Awdal, aqoonyahan, madax-dhaqameed, masuuliyiin iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa, ayaa magaalada Boorama ku sugnaan doona, isagoo Madaxweynuhu ka qayb geli doono qalin-jebinta Jaamacadda Camuud, waxaanu sidoo kale uu xadhigga ka jari doonaa, kana dhagax dhigi doona mashaariico horumarineed oo xukuumaddu ka hirgelisay gobolka Awdal.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here