Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo dalka kusoo laabtey

0
1129

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa Madaarka Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, Wasiirro, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wefgigiisu markii ay dalka ku soo noqdeen, waxa Qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey, Shirguddoonka labada Aqal, Xildhibaanno, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Madax-dhaqameed, Ganacsato, haween iyo mudan kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo la hadlay shacabka, ayaa hoosta ka xarriiqay in safarkii Nairobi ee ay martida ugu ahaayeen Madaxweynaha dalka Kenya, laga soo hooyey guul weyn oo Taariikhi ah, taas oo kor u qaadday meeqaamkii Somaliland, isla markaana ay heleen saaxad ay dunida inteeda kale ugu soo bandhigaan horumarka, Dawladnimada iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaadday Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here