Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale, oo maalintii Shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Marxuum Xariir Siciid Bulaale, oo ka tirsanaa golaha wakiilada, ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkii u dambeeyay uu u jiifay.
Madaxweynaha waxaa kale oo Aaska kala qayb galay Masuuliyiinta goleyaasha Baarlamaanka, Xildhibaanada guurtida iyo wakiilada, Qaar ka mid ah golaha wasiirada, Madaxdhaqameed, Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Madaxda Qaranka ee Madaxweynuhu ugu horeeyo ayaa Ehelkii Bulshada Somaliland, Goleyaasha Baarlamaanka iyo guud ahaan umadda Somaliland ee Xildhibaanku ka baxay ka tacsiyeeyay, iyagoo Marxuuka Illaahay uga baryay inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka iyo Umadda Somaliland-na samir iyo Iimaan ka siiyo.
hargeisapress@gmail.com