Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah culimada waa weyn ee Somaliland.
Culimada, ayaa ugu horayn waxay alleh uga baryeen madaxweynaha inuu xilka culus ee dhawaan loo doortey ku asturo.
Waxaana ay si gaar ah madaxweynaha ay kula dardaarmeen inuu dulqaad iyo samir yeesho.
Madaxweynaha la doortey, ayaa culimada dalka uga mahaceliyey kulankooda waxaana uu cadeeyey in albaabkiisu mar walba culimada u furan yahay, waxii tallo ah ee ay siiyeena uu qaadan doono.
Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenkiisa, Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI iyo Xildhibaan Barkhad Batuun.