Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka hadlay fursadaha iyo himilooyinka uu leeyahay Baanka cusub ee ay aas-aaseen muwaadiniin reer Somaliland ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in fikradda baankaasi yahay mid muhiim ah oo wax badan ka tari karta qaranka, isla markaana laba himilo oo waaweyn ay yihiin, Yaraynta qabyaaladda iyo Yaraynta saboolnimada .
Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadiniinta gudaha iyo dibaddaba joogaa ay si fudud u iibsan karaan saamiyada baanka, isagoo tusaale u soo qaatay dhalinyaro Sweden ka timid oo saamiyo ka qaatay.
Mudane Cirro wuxuu ku dhiirrigeliyay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah inuu ugu yaraan hal saami iibsado, isagoo uga mahadceliyay dhammaan bangiyada hore ee dalka sida Dahabshiil, Dara-salaam, Amal, iyo Premier, kuwaas oo door weyn ka qaatay kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta hantida shacabka iyo maalgelinta ganacsatada.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Ganacsiga ay dhamaystiraan shuruucda dhaqaalaha ee qabyo ah, waxa uu intaas ku daray in Baanka Dhexe uu fududeeyo nidaamyada, iyadoo la ilaalinayo sharciga iyo badbaadada lacagta shacabka.
Dhanka kale Bangiyada iyo shirkadaha ay yeeshaan daah-furnaan (transparency), isla markaana xisaab-xidhkooda loo soo bandhigo si cad, sida dunida horumartay ay sameeyaan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambayn sheegay in ballanqaadyadii xilligii ololaha la fulin doono si tartiib ah, isagoo ku adkaystay muhiimadda kala xadaynta ganacsiga iyo xoojinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Waxaanu yidhi “Runtii baankan dadkii hindisay Cabdirashiid Baaxeer iyo dhamaan Odayaasha kale ee aas aasay waxay keeneen figrad wanaagsan oo ah dad ku inuu wax wada yeelan karo.
Laba Himilo ayey sheegeen oo aan isleeyahay waa laba Himilo oo haddii aynu hirgalino qarankan wax badan ka badali kara, mid waa yaraynta qabyaalada, oo baanka dhamaan dadka gobolada dalka ka soo jeedaa ay ku jiraan, midina waa yaraynta saboolnimada, oo aan labadaba aan qabno guud ahaan inay mudnaan inoo leeyihiin.
Waxa kale oo muhiim ah, inkastoo saamigu intuu leeg yahay aan lay sheegin uu iibsan karo saami qof kasta oo muwaadin ahi oo aanu xidhnayn saamigaasi, haduu dibada joogo iyo haduu gudaha joogaba.
Waxay tusaale noo siiyeen dhalinyaro Online ka soo iibsaday kuwaasi oo Sweden ka yimid oo munaasiba da u yimid saamilayda Baanka na ka mid ah maanta.
waxan ku dhiirinayaa ama aan ku bogaadinayaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi gudaha ha joogo ama dibada ha joogee, bal inuu horta hal saami iibsado.
Waxan u mahadnaqaynaa dhamaan bangiyadii hore ee Somaliland oo runtii aan isleeyahay dhaqalaha dalka wax badan bay ka tareen, way dhiiri galiyeen, nabad-gelyo ayey siiyeen dadka ganacsatada ah, xoola-hooda ayey u xafideen, maalgalin ayey siiyeen, Bangiyada inta aan Xasuusto Dahabshiil, Darasalaam, Amal Premier, dhamaan.
Dhamaan baananka kale ee aaminay dalka ee dadka macaamisha ah ee Somaliland macaamiisha la leh dhamantood waan u mahadnaqayaa, cid aan ka tagay haday jirtona waan u mahadnaqayaa.
Waxa halkan uu sheegay gudoomiyaha bangiyada gaarka loo leeyahay sheegay in ay jirto shuruuc ay tabayaan inay qabyo tahay, labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, wasaaradda ganacsiga waxan ka codsanayaa hadii ay jirto shuruuc qabyo ah inay dabagalaan, labada aqalna waxan ka codsanayaa in la fududeeyo shuruucdaas, waxa kale oo aan baanka dhexe ka codsanayaa isna wixii kaga xidhan dhamaan bangiyadii hore iyo kuwa cusuba in la fududeeyo, iyagoo ilaalinaya shuruucda dalka iyo bad-qabka lacagaha la dhigto bangiya daas.
Balan-qaadyo badan ayaanu samaynay xiligii ololaha oo marqudha wada fulinkari mayno, laakiin waxanu jecelahay inaan dhamantood Wada fulino, oo uu ka mid yahay kii Xirsi sheegayey ee ahaa kala xadaynta ganacsiga.
Waxaynu u baahanahay maadaama uu korayo dhaqaalaheenu inagoo ilaalinayna daahfurnaanta (Transparency) inaynu xoojino Baananka.
intabadan bangiyada iyo shirkadaha dunidu waxay sameeyaan Xisaab-Xidh, Xisaab-Xidh kooduna maaha qarsoodi website yada ayey ku daabacaan oo waa la arkaa, markaa waxan rajaynayaa inay kuweenuna inay mustaqbalka xisaab-xidhkooda laga arko oo ay daah-furnaadaan, Hanti dhawrihiina waa joogaa oo markaa isagana waxan leeyahay doorka aad dhamaan Hay’adda maaliyadeed ku yeelan karto qaado.”

















