Madaxwayne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Kooban Sameeyay

0
827

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha iyo Ku xigeenada Gobolada.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Mukhtaar Cabdi Cabdillaahi
Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Maxamed Nuur Cabdi;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudaneyaal

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan goโ€™aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Goโ€™aamiyey;

In Cabdiraxiim Maxamed Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Cabdi Xiis Yuusuf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here