Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar oo La Guddoonsiiyay Bilad Sharafeed

0
645

Jigjiga (HargeisaPress)-Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed (Cagjar) oo ka qayb galay maanta Xafladdii ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadda Baahirdhaar ee deegaanka Axmaarada ayaa waxaa laguddoonsiiyay Billad sharafeed.

Billad sharafeedan ayaa Madaxwayne Mustafe Cagjar lagu  siiyay maadaama uu deegaanka Soomaalida mudadii yarayd ee uu joogay wax  ka qabtay dhanka Nabadgalyada, Xuquuqul Insaanka iyo Xoriyatul qawlka oo  hore aan degaanka looga aqoon.
Isbadallada degaanka ka jira ayaa ah kuwo dadku ay aad ugu reeyeen, walaw halkii loo baahnaa inaanu wali gaadhin, balse la rajaynayo wakhtiyada soo socda in degaanka isbaddal buuxa lagu arki doono.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here